DHAGEYSO:Shacabka deggan agagaarka webiga Tana oo loogu baaqay in ay halkaasi ka guuraan

0
381

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Major Deeqow Maxamad Barrow ayaa shacabka ku nool agagaarka webiga River Tana iyo beeralayda ay halkaasi matoorrada ugu jiraan ku boorriyay in ay meelo kale u waregaan.
Waxaa uu sheegay in ay kordheen heerka biyaha ee biyo –xireenka Masinga Dam sidaasi awgeedna laga cabsi qabo in ay saameyn ka dhalato.