DHAGEYSO:Raila Odinga oo ku biiray hoggaamiyayaasha ka soo horjeeda in dekadda Mombasa la wareejiyo

0
368

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku adkeystay in hadal haynta ku saabsan in dekadda Mombasa lagu wareejinaya shakhsiyaad ama shirkado gaar ah aysan socon doonin iyadoo aan ogolaansho laga haysan madaxda ismaamullada gobolka Xeebta.

Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Sharrif Nassir ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan marnaba dhici doonin in dekadda la wareejiyo balse ay soo dhaweynayaan in la ballaariyo.

Barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Mombasa Francis Thoya ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto laga doonaya inuu caddeeyo saamiga shacabka ismaamulkaasi ku leeyihiin dekadda.