DHAGEYSO:Maxkamadda Embu oo hakisay amarradii lagu mamnuucay Mogokaa

0
178

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Embu ayaa hakisay in lagu tallaabo qaado amarkii ay maalmo ka hor qaar ka mid ah barasaabyada ismaamullada gobolka Xeebta ay ku mamnuuceen ka ganacsiga iyo isticmaalka nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqday garsooraha maxkamadda sare ee Embu Lucy Njuguna.
Waxay sheegtay in xayiraaddan ay shaqeyn doonto ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya dacwado ay maxkamadda u gudbiyeen golaha hoose ee Embu, dowladda ismaamulkaasi iyo beeralayda soo saara Mogokaa oo ku mideysan dalladda Kutherema Muguka Sacco Society Limited.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwadahan dhageysato 8-da bisha Toddobaad ee sanadkan.
Ismaamullada Mombasa , Kilifi iyo Taita-Taveta ayaa go’aammada ay ku mamnuuceen qaadka Mogokaa u aaneeyay in isticmaalkiisa ay saameyn ba’an ku yeelatay dadka adeegsada gaar ahaan dhallinyarada.
Hasa ahaate waxaa dibadbax dhigay beeralayda soo saara qaadkan ee ismaamulka Embu oo ay wehelinayeen barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi iyo wakiilka haweenka oo kala ah Kinyua Mugo iyo Pamela Njoki.
Go’aanka ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka laanteeda Embu ayaa waxaa soo dhaweeyay hoggaamiyaasha iyo shacabka ku nool deegaannada laga soo saaro qaadkan oo sheegay in mamnuucidiisa ay saameyn ku yeelanaysa ganacsigooda.
Dhanka kale , guddoomiyaha rugta ganacsiga ee dalka ee (KNCCI) laanteeda ismaamulka Embu, Mugo Mate ayaa ku baaqay in ay wada hadallo yeeshaan dhinacyada uu arrinkan khuseeyo si aynan cadowtinnimo u beerin.