DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee dalka oo mas’uuliyiinta ugu baaqay in ay si hufan ugu adeegaan shacabka

0
253

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Tetu ee ismaamulka Nyeri ee gobolka Bartamaha wadanka waxaa uu hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo ismaamullada ku boorriyay inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka ka saaran u adeegidda shacabka.
Uhuru oo ka hadlayay aaska taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada booliiska King’ori Mwangi ayaa ku taliyay in madaxda aynan ku mashquulin waxyaabo laga soo gudbay iyagoo qiil u raadinaya inay ka gaabiyeen waajibaadkooda.