DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shaaciyay in Nairobi laga dhisaya 50,000 ilaa 70,000 oo guriyo ah

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha dowladda uu yahay in sanad waliba caasimadda wadanka ee Nairobi laga hirgeliyo guriyo qiimo ahaan la awoodi karo oo gaaraya 50,000 ilaa 70,000.
Xilli uu shalay jeedinayay khudbadiisi maalinta shaqaalaha ee Labour Day ayuu carrabka ku adkeeyay in mashruuca guriyeynta uu shaqo abuur u sameeyay kenyaan badan.
Waxaa uu xusay in qorshaha maamulkiisa uu yahay in shan sano gudaheeda la hirgeliyo ilaa hal milyan oo ah guriyo tayo ahaan wanaagsan oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.