DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay doorashadii bishii 8-aad

0
332

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu waxaa uu sheegay in doorashadii bishii Siddeedaad ee sanadkan looga soo gudbay adeegsiga siyaasadda qabyaaladda ku saleysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kastoo ay jireen dad saadaalinayay in wadanka ay rabshado ka dhici doonaan haddana kenyaanka inay si nabad ah ku codeyeen taasina uu uga mahadcelinaya.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in siyaasadda maamulka Kenya Kwanza ay ku saleysan tahay in dhammaan shacabka si siman loogu adeego iyadoo aan la eegayn halka uu qofka ku nool yahay iyo mowqifkiisa siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa  sidoo kale ka hadlay  kobcinta dhaqaalaha   dalka iyadoo loo maraya canshuur uruurin si  looga baaqsado in hay’ado iyo waddamo shisheeye  amaah laga qaato.