DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay qiimaha shidaalka

0
55

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta difaacay qiimaha kordhay ee shidaalka .
Xilli uu ku sugnaa kaniisadda AGC ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayuu arrintan u aaneeyay xaaladda dhaqaale ee waddanka iyo baahiyaha dhanka kaabeyaasha.
Ruto ayaa xusay in Kenya ay dhakhli ahaan tahay dal dhexe sidaasi awgeedna aan lala barbardhigi karin waddamada dariska la ah oo uu badankoodu ku tilmaamay kuwo horumar ahaan dambeeya.
Dhanka kale , waxaa uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay in ay soo afjaraan jeedinta hadallada xanafta leh iyo adeegsiga magacyada aan wanaagsanayn.