DHAGEYSO:Macallin is dilay ka dib markii laga dhacay lacag dhan 1.5 milyan oo shilin

0
275

Waxaa lagu soo warramayaa inuu is dilay macallin bare ka ahaa dugsi hoose dhexe oo ku yaalla deegaanka hoose ee Ting’a oo hoos taga deegaan baarlamaaneedka Mugirango ee galbeedka ismaamulka Nyamira.
Macallinka ayaa iska takhalusay ka dib markii laga dhacay lacag dhan 1.5 milyan oo shilinka dalka ah.
Joseck Ondara, oo 38 jir ah, ayaa la sheegay in uu isku tuuray barkad biyo ah ka hor inta uusan dhiman.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka hor inta uusan is dilin macallinka uu qoray warqad cabasho uu ku sheegay in 5 qof ay ka dhaceen 1.5 milyan oo shilinka dalka ah.
Ciidamo ka tirsan booliiska oo goobta gaaray ayaa meydka u qaaday qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka Kisii Referral and Training si baaritaan loogu sameeyo.
Dadka deegaanka oo dhacdadan ka hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay