DHAGEYSO:Kindiki oo ku baaqay in la taageero Madaxweyne Ruto, isla markaana dhaliilay hoggaamiyeyaasha mucaaradka

0
33

Madaxweyne Ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki, ayaa uga digay shacabka inay ku kadsoomaan siyaasadda mucaaradka, isagoo sheegay in ay doonayaan inay sumcad dil ku sameeyaan waxqabadka dowladda Kenya Kwanza.
Kindiki ayaa sidoo kale ka dalbaday hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka inay si cad uga jawaabaan waxqabadkoodii markii ay xilalka hayeen, isagoo ku eedeeyay inay iska indha tirayaan taariikhdooda siyaasadeed.
Isagoo ku sugnaa ismaamulka Meru halkaas oo uu ku kormeerayay mashaariic horumarineed, ayuu Kindiki sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in Madaxweyne William Ruto uu si fudud uga adkaan doono mucaaradka doorashada soo socota, sababo la xiriira fulinta ballanqaadyada dowladdiisa.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda hadda jirta ay si joogto ah u fulinayso mashaariic horumarineed oo dalka ka socda, isagoo shacabka ugu baaqay inay sii taageeraan hoggaanka hadda jira si loo dardargeliyo horumarka dalka.