DHAGEYSO:Kalonzo oo sheegay in Gachagua xilka looga qaaday si sharci darro ah

0
118

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua si sharci darro ah looga qaaday jagadii hoggaamiyaha labaad ee qaranka.
Kalonzo ayaa ismaamulka Embu ka sheegay in aan la dhayalsan karin hadal uu maalmo ka hor jeediyey xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori ahna hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Junet Maxamad.
Junet ayaa sheegay in xilligii xilka laga qaadayey Gachagua lacago la bixiyey.
Wuxuu madaxa xisbiga Wiper sheegay in taasi ay su’aal gelinaysa hufnaanta geeddisocodkii sanadkii 2024-kii xilka madaxweyne ku xigeenka looga xayuubiyey Rigathi Gachagua.
Kalonzo ayaa carrabka ku adkeeyay in ay qasab tahay in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta si fagaare ah u qirta in ay oggolaadeen lacag qaadasho maadaama ay tani liddi ku tahay cutubka 6-aad ee dastuurka Kenya oo qeexaya qiyamka hufnaanta iyo hoggaamineed.
Siyaasigan ayaa tilmaamay in madaxda qirta in la laaluushay aynan ahayn in hadda ka dib ay qabtaan xil dadweynaha loogu adeegaya.

Sidoo kale , waxaa uu ka digay dadaallo uu sheegay in siyaasad ahaan lagu kala qaybiyo bulshooyinka ku nool gobolka Bartamaha dalka.