Waxaa hakad ku jiro isku socodka gaadiidka ee waddada u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Garissa.
Tani ayaa timid ka dib markii saameyn ay daadadka ku yeesheen qaybta waddada ee aagga loo yaqaano Kona Punda ee u dhexeysa Madogo iyo Garissa aan weli la xallin.
Qaar ka mid ah rakaabka iyo ganacsatada halkaasi ku xayiran ayaa walaacooda la wadaagay warbaahinta iyagoo dowladda baaq u diray.