DHAGEYSO:In ka badan 300 oo qof oo lagu ganaaxay ku xadgudubka xeerarka waddooyinka

0
97
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA

In ka badan 300 oo qof ayaa la xiray, isla markaana maxkamad lagu soo taagay, kaddib markii lagu eedeeyay inay waddooyinka ka gudbeen meelo aan loo oggolayn ama ay iska indhatireen isticmaalka buundooyinka loogu talagalay dadka lugeynaya.
Howlgalkan ayaa waxaa bishii hore si wadajir ah u billaabay Hay’adda Qaranka ee Gaadiidka iyo Badbaadada Waddooyinka (NTSA) iyo ciidamada booliska, iyadoo ujeeddadiisu tahay yareynta shilalka ka dhasha ku xadgudubka xeerarka taraafikada.
Dadka la qabtay ayaa mid kasta lagu ganaaxay lacag dhan 500 oo shilin, sida uu dhigayo sharciga.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono, iyagoo ugu baaqay shacabka inay u hoggaansamaan xeerarka waddooyinka, gaar ahaan isticmaalka buundooyinka dadka lugaynaya, si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loogana hortago shilalka.