Ilmo saddex sano jir ah ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay barkad dabaal oo ku taalla deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.
Qoyska ayaa sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu badbaadiyo cunugga aysan miro dhalin, iyagoo ku eedeeyay maamulka goobta inuusan jirin ilaaliye barkadda ka shaqeynayay xilligii shilku dhacay.
Dhacdadan murugada leh ayaa dhalisay walaac ku saabsan heerarka badbaadada ee barkadaha dabaasha, gaar ahaan xilliga fasaxyada oo carruur badan ay isticmaalaan goobaha madadaalada.
Wasiirka Waxbarashada ee dowlad deegaanka Mombasa ayaa ugu baaqay dhammaan milkiilayaasha barkadaha dabaasha inay si buuxda u dhaqangeliyaan shuruucda badbaadada, isla markaana ay hubiyaan in barkad kasta ay joogaan shaqaale tababaran oo ilaaliya badbaadada dadka isticmaala.
Ciidamada dambi baarista dalka DCI-da ayaa baaritaan ku haya dhacdadan.




