DHAGEYSO:Hoggaamiyeyaasha dowladda oo mucaaradka uga digay inay la shaqeeyaan Gachagua

0
116

Hoggaamiyeyaal taageersan Dowladda Isbahaysiga Ballaaran ayaa siyaasiyiinta mucaaradka uga digay inay iskaashi la sameeyaan hoggaamiyaha DCP, Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hadheeyo oo uu dhinac iska dhigo siyaasiyiinta kale.
Hoggaamiyeyaashan ayaa sheegay inay horay ugu digeen xubnaha mucaaradka inay ka fogaadaan la shaqeynta Gachagua, xilli ay siyaasadda Kenya isu diyaarinayso doorashada guud ee sanadka 2027.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye ku-xigeenka xisbiga Jubilee, Dr. Fred Matiang’i, inuu ka tanaasulo safka mucaaradka, isla markaana uu la shaqeeyo Madaxweyne William Ruto.