Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ayaa walaac ka muujiyay macallimiin yari halkaasi ka jirta.
Madaxdan oo uu ka mid yahay xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Wundanyi,Danson Mwashako Mwakuwona ayaa sheegay in ay muddo ku qaadatay xallinta caqabaddan.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in tani ay saameyn ku yeelatay waxbarashada ismaamulka Taita Taveta.
Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma ,Didmus Wekesa Barasa ayaa wasaaradda waxbarashada ka dalbaday in marka ay shaacinaysa tirada gabdhaha ee imtixaannada qaran sameeyay iyagoo uur leh in ay sidoo kale soo bandhigto macluumaadka ragga ardayda gabdhaha ah uureeyay.