DHAGEYSO:Hal bilyan oo loo qoondeeyay dib u dhiska dugsiyada

0
157

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in lacag dhan hal bilyan oo shilin loo qoondeeyay in dib loogu dhiso dugsiyada ku burburay roobabka iyo daadadka ka dhashay.
Qorshahan ayuu ku sheegay mid lagu dardargelinaya in howlaha waxbarashada aynan sii dib dhicin.
Arrintan ayuu ka sheegay deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi halkaasi oo uu u tagay inuu soo indha-indheeyo oo uu soo qiimeeyo baaxadda saameynta daadadka.
Madaxweynaha oo xaaladda wadanka ka taagan u aaneeyay isbeddelka cimillada , ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay sii xoojiyaan in ay dhirta beeraan.
Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay sida ay dowladdu uga go’antahay in 10 sano gudaheeda la beero 15 bilyan oo geedo ah si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimillada iyo kuleylka dunida.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan ururrada bulsho si loo nadiifiyo oo geedo loogu abuuro agagaarka webiga Nairobi River.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 228 qof ay gudaha wadanka ugu dhinteen roobabka iyo daadadka ka dhashay.
Waxay si guud saameyn soo gaartay ugu yaraan 227,000 qof halka weli la la’yahay 72 ruux.
Qoysaska fatahaadaha ku barakacay ee dalka ayay tiradoodu tahay 42,526.