Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa u jawaabay shakhsiyaad uu sheegay inay madaxweynaha wadanka William Ruto ku dhaliilayaan socdaallo dhowr ah oo uu ku tagay ismaamullada gobolka Bartamaha dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani aynan ahayn mid siyaasad ku saleysan.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu ayuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay sii wadi doonaan in ay mashaariic horumarineed oo ay waddooyin ka mid yihiin ka fuliyaan gobolka Bartamaha iyo guud ahaan wadanka.
Waxaa uu Gachagua shaaciyay in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay billaabi doonaan socdaal qaadanaya saddex cishe oo ay ku marayaan Embu, Mbeere iyo Tharaka Nithi .
Waxaa uu hoggaamiyaasha Mt. Kenya ku boorriyey in aynan ku mashquulin siyaasadda la xiriirta cidda xigta ee qaban doonto hoggaanka wadanka wuxuuna tilmaamay in tani ay sii kala qaybin doonto.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladdu ku bixinaysa wanaajinta ka ganacsiga qaxwada, caleenta shaaha, caanaha, afkaadhaha iyo qaadka.