DHAGEYSO:Dubat cali cameey oo ku baaqay in abuur la sameeyo

0
558

Guddoomiyaha guddiga suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari Dubat Cali Camey ayaa dadweynaha ku boorriyay inay dalagyada kala duwan abuurtaan maadaama roobabkii da’ayay ay yaraadeen.
Madaxda ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ayuu kula taliyay inay beeralayda ku caawiyaan dalag ay abuurtaan.

Dhanka kale waxaa uu soo dhaweeyay tallaabo uu xildhibaanka bariga Mandera Xuseen Waytaan uu dhallinyaro ugu sameeyay guur wadareed isagoo xusay in taasi ay tahay mid ku dayasho mudan.