DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay in ay min 10 kun siinaysa 40,000 oo qoys oo ku barakacay Nairobi

0
169

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay taageeri doonto dhammaan qoysaska ay daadadka saameeyeen guud ahaan wadanka.
Waxaa uu arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay in fatahaadaha ay ku geeriyoodeen sidoo kalena burburiyeen hantida kumannaan qof oo kenyaan ah.
Xilli uu tagay xaafadda Kiamaiko ee deegaan baarlamaneedka Mathare ee ismaamulka Nairobi ayuu hoggaamiyaha dalka shaaciyay in qoys kasta oo barakacay ka dib markii laga soo daadgureeyay meel u dhow ilaha biyaha sida webiyada , la siin doono lacag dhan 10,000 oo shilin.
Waxaa uu xusay in lacagtan aan la musuqmaasuqi doonin oo ay qoysaska ku raadsanayaan hooy ku meel gaar muddo saddex bilood ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la aqoonsaday 40,000 oo qoys oo ku barakacay daadadka saameeyay ismaamulka Nairobi kuwaasi oo taageeradan dhaqaale lagu wareejin doono.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan dhibbanayaasha daadadka ee gudaha dalka loola macaamili doono si ay baniaadannimo ku dheehan tahay.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in raasimaal ku filan loo qoondeeyay in dadkan loo iibiyo cuntooyin iyo waxyaabaha kale ee dhanka hooyga ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qoysaskan mudnaan la siin doono marka la qaybinaya 20,000 oo ah guriyaha taya ahaan wanaagsan ee lagu degi karo qiimo la awoodo.
Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in dhawaan la soo xayeysiin doono dhisidda guriyahan.
Waxaa uu dhanka kale shacabka uga mahadceliyay in ay u hoggaansameen amarkii dowladda ee ahaa in laga guuro meelaha u dhow webiyada oo loo wareego meelaha lagu badbaadi karo.