DHAGEYSO:Ciidamada DCI oo Kajiado ku Burburiyay Beer Xashiish ah

0
129

Ciidamada la dagaallanka mukhaadaraadka ee Kenya ANU oo kaashanaya booliska deegaanka Ololua, ayaa howlgal sirdoon ku saleysan ku burburiyay beer lagu beerayay geedka xashiishadda (cannabis sativa) oo ku taalla ismaamulka Kajiado.
Howlgalka ayaa lagu ogaaday goobta lagu beerayay xashiishadda, iyadoo ciidamada ay si degdeg ah u sugeen goobta islamarkaana ay xididdada u siibeen dhirtii halkaasi lagu beerayay.
Boolisku waxay sheegeen in goobta laga helay 78.98 kiiloogaraam oo xashiishad ah, kuwaas oo lagu soo xirxiray shan jawaan.
Qiimaha daroogadaasi ee suuqyada ayaa lagu qiyaasay 2.369 milyan oo lacagta Kenya ah (KSh).
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa la xiray nin 40 jir ah oo lagu magacaabo Joseph Leimyayan, kaas oo hadda ku jira gacanta booliska. Baaritaannada ayaa weli socda, iyadoo la filayo in maxkamad la horgeeyo marka la soo gabagabeeyo.
Hay’adda Dambi-baarista Kenya (DCI) ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu ciribtirayo beerista, ka ganacsiga iyo faafinta mukhaadaraadka dalka, waxayna shacabka ku boorrisay inay la wadaagaan hay’adaha ammaanka xog kasta oo gacan ka geysan karta burburinta shabakadaha ka ganacsada daroogada.