DHAGEYSO:Booliiska BuruBuru ee Nairobi oo baaraya dil loo gaystay 4 qof

0
225

Laamaha ammaanka ee xaafadda BuruBuru ee ismaamulka Nairobi ayaa baaritaano ku sameynaya dhacdo lagu dilay afar qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in koox hubeysan oo looga shakiyay ciidamada ammaanka ay ku daba jireen dadkan ka hor inta aynan rasaas ku furin baabuurka siday.
Sidoo kale waxaa la rasaaseeyay mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Booliiska ayaa sheegay in meydadka dadkan laga dhex helay gaariga ay isticmaalayeen ka dibna la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City Mortuarty ee magaalada Nairobi.
Waxaa gudaha baabuurkaasi sidoo kale laga helay aqoonsiga qaran ee qof magaciisa lagu sheegay Brian Mwangi Kariuki.
Saraakiisha ayaa sidoo kale helay labo mindi oo taliyaha booliiska ee BuruBuru, Francis Kamau uu sheegay in baaritaano lagu sameyn doono.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel ilaa hal kiilomitir u jirta saldhigga booliiska ee xaafadda BuruBuru waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad ah.
Anthony Mburu oo ah milkiilaha baabuurka rasaasta lala dhacay iyo Paul Ambuga oo ka mid ah shacabka deggan xaafadda BuruBuru ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.