Barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay xisbiga talada wadanka haya ee UDA.
Waxaa xisbiga ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha UDA Cecily Mbarire iyo Xoghayaha Guud Cleophas Malala.
Kawira Mwangaza oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee Meru, hoggaamiyaal haween ah, madaxda diimeed iyo shacab ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay ku biiridda UDA.
Waxay hoosta ka xarriiqday in sanadkii 2022-kii lagu soo doortay si madax bannaan halka sidoo kale sanadkii 2017-kii loo doortay xilka wakiilka haweenka ee Meru iyadoo musharrax madax bannaan ahayd.
Barasaabka Meru ayaa shaacisay in ay sanadka 2027-da mar kale jagadan u tartami doonto iyadoo adeegsanaysa tikedha UDA.
Guddoomiyaha xisbiga UDA ahna barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire ayaa siyaasiyiinta dowlad deegaankaasi ugu baaqday inay midnimo muujiyaan.