DHAGEYSO:Askari Nakuru ku toogtay 4 qof oo la xiray

0
498

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa baaraya dhacdo uu askari ku toogtay afar qof oo ka shaqeynayay goob lagu caweeyo.
Waxaa halkaasi ku dhintay hal ruux iyagoo saddex kalena laga daaweynaya dhaawacyo soo gaaray.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in askariga oo lagu magacaabo Nicholas Musau oo hadda la xiray uu falkaasi ku kaco.
Mid ka mid ah dadka toogashada ku dhaawacmay ayaa dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.

Taliyaha booliiska ee Nakuru, Samuel Ndanyi ayaa sheegay inay dhacdadaasi baarayaan.