DHAGEYASO:Qaar ka mid ah kenyaanka oo ka cabanaya in la kordhiyay nooliga ay ku raacaan baabuurta

0
287

Iyadoo lagu jiro xilli fasaxeedka Christmas ee bisha Disembar ayay qaar ka mid ah kenyaanka cabasho ka muujinayaan in ay ku adkaatay in ay u safraan deegaannada ay ka soo jeedaan si ay halkaasi ugu soo dabbaal degaan.
Tani ayay u aaneynayaan qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo in qaar ka mid ah shirkadaha gaadiidka ay kordhiyeen nooligii ay horay uga qaadi jireen rakaabka.
Shacabka ayaa dowladda ugu baaqay inay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda.

Mid ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay in hadda aynan u furnayn wado aan ahayn inay kordhiyaan qiimaha lagu raaco gawaarida.