Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa dadweynaha ku boorrisay inay kala soo xiriiraan nambarrada tooska ah ee ciidamada booliska.
Waxay muwaadiniinta qaabkan ku gudbin karaan tabashooyinkooda.
DCI ayaa arrintan u aaneysay in Aamiin Maxamad Ibraahim oo dhawaan noqday agaasimaha waaxda dambi baarista dalka oo maalinkii la dhaarinayay nambarkiisa khaaska ah bixiyay uunan awoodin inuu ka wada jawaabo wicitaannada.
Qoraalka waaxda waxaa ku cad in cidii doonaysa inay laanta dambi baarista la xiriirto iyadoo aan la ogaan ay adeegsan karto nambarka ah 0800 722 203.
Should you have any information that you would wish to share with us anonymously please dial 0800 722 203.
Have a reflective Mashujaa Day. Wont you?
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) October 20, 2022




