Darasaad lagu ogaaday in boqolkiiba 69 ee kenyaanka aynan taageersanayn lacagaha guriyaha lagu dhisaya

0
314

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee (TIFA) ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 69 ee kenyaanka ay ka soo horjeedaan lacagaha ay dowladdu ka jaraysa shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee Housing Fund.
Waxaa warbixinta TIFA ku cad in boqolkiiba 24 ee shacabka la wareystay ay arrinkan taageerayaan.
Daraasaadkan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 23-kii ilaa 30-kii bishii hore ee June .
TIFA ayaa sheegtay in sahankan lagu sameeyay wareysiyo telefoon iyadoo su’aallo lagu waydiiyay 1,530 qof.
Sidoo kale boqolkiiba 28 ee taageerayaasha mucaaradka ayaa ka soo horjeestay tallaabada lagu kordhiyay canshuurta shidaalka.
Dhanka kale ururka milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa laga billaabo berri boqolkiiba 30 ku kordhin doono qiimaha ay rakaabka ku raacaan baabuurta.