Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof ay waxyeello ka soo gaartay dhacdo baabuur lagu jiirsiiyay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa ku warramaysa in dhowr ruux ay falkaasi ku dhaawacmeen.
Ilaa iyo hadda ma cadda xaaladaha horseeday dhacdadan balse waxaa sidoo kale la soo tabinaya in ugu yaraan hal qof la tooriyeeyay.




