Cilmi baaris ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in keliya boqolkiiba saddex ee kenyaanka uu dakhligooda bisha ka sarreeya 50,000 oo shilin.
Boqokiiba 38 dadka la wareystay ayaa wax dakhli ah aan soo gelin bishii, halka 12 boqolkiiba ay soo galaan wax ka yar 5,000 oo shilin.
TIFA ayaa sheegtay inay darasaadkan sameysay intii u dhexeysay 23-kii ilaa 30-kii bishiii hore.
Boqolkiiba 12 ayaa bishii qaata inta u dhexeysa 5,000 ilaa 10,000 oo shilin, halka 13 boqolkiiba ay helaan inta u dhexeysa 10,000 ilaa 20 kun oo shilin.
Qaar ka mid ah boqolkiiba 10, ayaa dhanka kale qaata inta u dhexeysa 20,000 ilaa 50 kun oo shilin.
29 boqolkiiba waa kuwaa iskood u shaqeysta halka 14 boqolkiiba ay yihiin shaqaale caadi ah iyagoo wakhtiyada qaar si iskood u shaqeysta.
Marka la eego heerka shaqo ee dadka kenyaanka ah, ku dhawaad saddex meelood meel dadweynaha hadda shaqo la’aanta ah ayaa waligood shaqeynin.
Sidoo kale boqolkiiba 8 oo hadda shaqo la’aan ah, ayaa horay u soo shaqeeyay.
TIFA ayaa sheegtay in sahankan lagu sameeyay wareysiyo taleefoon iyadoo su’aallo lagu waydiiyay 1,530 qof.
Home Wararka Kenya Daraasaad lagu ogaaday in boqolkiiba 3 kenyaanka uu dakhligooda bilaha ka sarreeya...




