Ciidamo booliis oo sagootin doono baabuurta u kala goosho Nairobi iyo Gaarisa

0
251

Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa sheegay in ay geeyeen cutubyo booliis oo gaar ah si ay u ilaaliyaan gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa magaalooyinka Mwingi iyo Gaarisa, ka dib markii ay kordheen weerarro iyo xiisado amni oo ka taagan qaybo ka mid ah dowlad deegaanka Kitui. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii isku dhacyo u dhexeeya xoolo dhaqato iyo beeraley ay sababeen in waddada la xiro, taasoo hakisay adeegyada gaadiidka ee u kala gooshi jiray Gaarisa iyo Nairobi.
Booliiska ayaa sheegeen in ay fahamsan yihiin walaaca bulshada, balse ay ku adkeeyeen in dhacdooyinka ay yihiin falal dambiyeed gooni gooni ah oo ay geysanayaan dad yar. Waxaa ay sidoo kale u mahadceliyeen dadka deegaanka sida ay u ilaashadeen deggenaanshaha, iyagoo ka codsaday in aan la oggolaan falal keeni kara kala qeybin bulshada dhexdeeda ah.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu daray cutubyo ay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran, kuwaas oo loo xilsaaray ilaalinta isu socodka gaadiidka iyo amniga guud ee ganacsiga iyo safarrada. Isla mar ahaantaas, hay’adaha baarista ayaa sheegay in ay wadaan dabagal si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarradaas.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, ayaa dowladda ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga deegaanka, ka dib weerar sababay dhimashada toddobo qof. Waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo xoojiyo amniga, loo sameeyo baaritaanno, loona fuliyaa howlgal hub ka dhigista dadka sida sharci darrada ah u haysta hubka.