Ciidamada militariga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay afar qof ku dileen bariga badwaynta Pacific ka dib markii ay markab bartilmaameedsadeen.
Taliska Koonfurta Maraykanka ee (SOUTHCOM) ayaa shaaciyey in weerarkaasi lala eegtay afar ruux oo lagu eedeyay ka ganacsiga daroogada laguna tilmaamay argagixiso.
Hasa ahaate, militariga Maraykanka ma uunan soo bandhigin wax caddeyn ah oo la xiriirta in markabka la burburiyey uu balwad siday.




