Booliska oo xiray afar dhalinyaro ah oo lagu tumayo Barnaamij ay dhawaan baahisay BBC-da

0
264

Afar dhallinyaro oo Kenyaan ah oo lagu eedeeyay inay ka qaybqaateen barnaamij dokumentari ah oo ay maalmo hor baahisay Warbaahinta BBC-da ayaa xaley la xirey .
Barnaamijka ay soo bandhigtay BBC ayaa loogu magacdarey Dhiiga Baarlamaanka taaso Caro ka dhex dhalisay baraha Bulshada.
Barnaamijkaas ayaa sido kale waxaa lagu aqoonsadey Ciidamo ka dambeeyeen dila seddax will oo dhallinyaro ah kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxayaashi gudaha u galay xarrunta aqalka Baarlamaanka ee dalka Bishii June ee sanadkii 2024-kii.
Filim-qaadayaasha ayaa laga soo qabtay istuudiyaha ay ku leeyihiin xaafada Karen ee Magaalada Nairobi waxaana la geeyay Saldhigyo kala duwan.
Filim qaadayaasha lagu eedeeyay inuu ku lug lahayeen Muuqaalada ay baahisay BBC ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nicholas Wambugu, Brian Adagala, MarkDenver Karubiu, iyo Chris Wamae.
Booliska ayaa la sheegay in ay la wareegeen dhammaan qalabyadii ay ku shaqeynayeen.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamayaa in eedeysanayaashaasi lagu kala xirey Saldhigyada Booliiska ee Pangani iyo Muthaiga.
Kooxaga u dooda xuquuqda aadanaha ayaa Cambaareyay xariggooda.
Ilaa iyo hadda Booliska wax war ah kama soo saarin dhacdadan.