Booliiska Nigeria oo baaraya dhimashada 37 qof oo loo xiray macdan qodis sharci-darro ah

0
109

Booliiska Nigeria ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhimashada 37 qof oo xabsiga ku jiray kadib markii loo xiray macdan qodis sharci-darro ah.

Mas’uuliyiinta ayaa Khamiistii dhimashada ku xiriiriyay cudur ka dillaacay goobta. Hase yeeshee, wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in warbixin sirdoon ay tilmaantay in ciriiriga iyo hawo-qaadashada oo liidatay gudaha xarunta lagu hayo dadka ee Ciidanka Ammaanka iyo Difaaca Madaniga ah ee Nigeria (NSCDC), oo ku taalla gobolka Niger ee waqooyi-bari, ay sabab u noqon karaan dhimashada.

Madaxa NSCDC ee gobolka Niger, Suberu Siyaka Aniviye, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka la tuhunsan yahay la xiray intii lagu jiray hawlgal lagu bartilmaameedsanayay macdan qodista sharci-darrada ah oo dhacay Talaadadii iyo Arbacadii. Gobolka ayaa caan ku ah macdan qodista dahabka ee heerka yar.

Aniviye ayaa sheegay in mas’uuliyiintu tuhunsan yihiin in cudurku sababay dhimashada, isaga oo xusay in meydadka loo diray “baaritaan caafimaad oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee dhimashada.” Ma uusan faahfaahin ka bixin nooca cudurka looga shakisan yahay.

Hase yeeshee, mid ka mid ah dadkii ka badbaaday dhacdada, Dauda Shehu, ayaa wakaaladda wararka Associated Press u sheegay in 65 qof oo la xiray lagu wada xiray qol ciriiri ah oo hawo-qaadashadiisu liidatay, taas oo muujinaysa in laga yaabo inay neef-qabatimo u dhinteen.