Booliiska Garissa oo Qabtay Laba Qof oo Looga Shakisan Yahay Dhac Hubeysan

0
101

Ciidamada Booliiska ee saldhigga Garissa ayaa qabtay laba labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku eedeysan inay ku lug lahaayeen dhac loo adeegsaday rabshado.
Labada qof ayaa lagu qabtay Bulla Sagarey, kaddib hawlgal ay booliisku sheegeen inuu ku salaysnaa xog sirdoon oo la helay.
Booliisku waxay sheegeen in ragga la qabtay ay ku hubaysnaayeen baangado, isla markaana lala xiriirinayo dhacdooyin dhac iyo rabshado wata oo dhowr ah oo ka dhacay gobolka.
Labada eedeysane ayaa hadda lagu hayaa Saldhigga Booliiska Garissa, iyadoo la filayo in marka la dhammaystiro habraacyada baaritaanka loo gudbiyo maxkamadda si ay uga jawaabaan eedaha loo haysto.
Ciidanka Booliiska Qaranka Kenya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu burburinayo shabakadaha dambiyada iyo sugidda amniga shacabka.
Booliisku waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka inay feejignaadaan, ayna la wadaagaan saldhigga booliiska ee ugu dhow wixii xog ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo looga shakisan yahay inay la xiriiraan falal dambiyeed.