Duqa magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa ku dhawaaqay bandow lagu soo rogay qeyb ka mid ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo soogalootiga madaxweyne Donald Trump.
Mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Los Angeles dadka teleefoonada isticmaala u diray farriin lagu ogeysiinayo in magalada lagu soo rogey bandow islamarkaana la xiddiday dhaqdhaqaaqa habeenkii, marka laga reebo dadka shaqada u socda iyo kuwa xaaladaha degdegga qabsadaan.
Duqa magaalada Los Angels Karen Bass ayaa ku dhawaaqday in badowgu saameynayo dhul baaxadiisu dhan tahay 1 mile oo isku wareegga, waxaana goobaha bartilmaameedka ah ka mid faras magaalaha Los Angels inta u dhexeysa 8pm illaa 6am.