Mid ka mid ah baadariyaasha ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ,Ezekiel Odero ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu maanta ka soo hormuuqdo aqalka sare ka dib markii loo yeeray.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu senatarrada runta la wadaagi doono.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay inuu xiriir la leeyahay baadariga kale ee kaniisadda Good News International ee Kilifi ,Paul Mackenzie.
Mackenzie ayaa hadda ku jiro xabsiga waxaana loo haystaa in keynta Shakahola lagu arkay meydadka boqolaal qof oo taabacsanaa kaniisadiisa oo uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Ezekiel, oo ay weheliyaan qareenadiisa kala ah Danstan Omari iyo Cliff Ombeta ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo haysto Mackenzie.
Cliff Ombeta oo u doodaya ayaa sheegay in baadariga laga wareysan doono howlaha kaniisadda uu hoggaamiyo.
Waxaa laga doonaya inuu aqalka sare ee dalka la wadaago macluumaad ku saabsan qaabkii loo diiwaangeliyay kaniisadda uu hoggaamiyo iyo inay u hoggaansamaan xeerarka degsan.
Sidoo kale waxaa laga wareysan doonaa caqiidooyinka ay faafiyaan qaar ka mid ah baadariyaasha ee halis gelin karo nolosha dadka ku xiran.




