12 arday oo ka kala socday ismaamullada Gaarisa iyo Tana River oo isku diwaan geliyay inay u fariistaan imtixaankii ugu dambeeyay ee ay ku dhameysan la haayeen tababarka macalimiinta ee xanaanada caruurta ayaa magacyadooda laga waayay liiska ardeyda u farisaynayso imtaxanaadkaas inkastoo ay bixinayaan lacagta imtixaanka.
Ardeydan oo cabashadooda u gudbiyey saldhigga dhexe ee booliiska magaalada Gaarisa ayaa haatan doonaaya in gacanta lagu soo dhigo agaasimihii imtaxaanka u diwaan geliyay six al looga gaaro arrintan.
Qaar ka mid ah ardeydaas oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sida tan u muujiyay.