In ka badan nus milyan oo carruur ah oo caafimaadkooda khatar ku jiro

0
537

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ka digtay in xannibaadda joogtada ah ee Israa’iil ee sahayda caafimaad ay ka hortagtay gelitaanka tallaallada dabeysha, taas oo khatar gelinaysa in ka badan nus milyan oo carruur ah.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in mamnuucidda ay joojisay hirgelinta wajiga 4-aad ee ololaha ka hortagga cudurka dabeysha taasoo ka dhigeysa in 602,000 oo carruur ah ay u nugul yihiin “curyaannimo iyo naafonimo joogto ah”.
Saraakiisha ayaa sheegay in cawaaqibka caafimaad ee ka dhalan kara ay noqon karaan musiibo.
Go’doominta joogtada ah ee Israa’iil ayaa ceejisay qulqulka gargaarka caafimaadka ee gelaya Marinka tan iyo horraantii bishii Maarso iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay burbur bini’aadantinimo oo qoto dheer.