Dhimashada oo sare u kacday ka dib weerar ka dhacay Gobolka Kashmiir

0
323

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 26 qof, sida uu sheegay booliiska Hindiya, waana mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee halkaas ka dhacay muddooyinkii u dambeeyay.
Booliisku waxay sheegeen in dalxiisayaal badan ay dhaawacyo rasaas ah soo gaareen .
Weerarkan oo lagu tilmaamay mid argagixisanimo ayaa dhacay xili ay maanta dalxiisayaasha booqanayeen seeraha Baisaran, oo 5km (3 mayl) u jirta magaalada lagu muransan yahay ee Pahalgam.
Ciidamada amaanka ayaa bilaabay ugaarsi ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka soo qaaday halka kuwa dhaawaca ahna loola cararay isbitaalada.