Baarsaabkii hore ee ismaamulka Kiambu oo codsi kale ka dalbaday Maxkmadda sare

0
376

Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu wadaa inay go’aan ka gaarto codsi cusub oo uu dalbaday barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Kiambu Ferdinand Waititu.
Waititu, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Febraayo ee sanadkaan ka dib markii lagu helay kiis musuqmaasuq, waxaa uuna doonaya in lagu sii daayo dammaanad si go’aan looga gaaro racfaankiisa.
Agaasimaha waaxda dacwad oogista (DPP) ayaa ka soo horjeestay codsigiisa cusub, ee Waititu .
DPP ayaana sheegtay in arrinta baarsaabkii hore Kiambu ay horey maxkmadda go’aan uga gaartay taasi oo aan mar kale la aqbali karin.
Guddoomiyihii hore ismaamulka Kiambu ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah ama ganaax dhan 53 milyan oo shilinka dalka ah ka dib markii maxkamadda darajada koowaad ay ku heshay eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Garsoore Lucy Njuguna ayaa diiday dalabkiisii ugu horreeyay ee uu ku doonayay dammaanad 3-dii bishii Maarso, ee sanadkan 2025-ka.