DHEGEYSO:Dadka deegaanka Kabwareng oo bilaabay qorsho lagu daboolaayo baahidooda maalinlaha ah

0
292

Deegaanka Kabwareng oo ka tirsan ismaamulka Nandi ayaa waxaa si weyn looga soo tabini jiray dilalka, dhaca lo’da, muranada dhanka dhulka iyo dambiyada noocya badan.
Arrintan ayaa dadka deegaanka ay labadii sano ee la soo daafay isku dayaayeen inay soo afjaraan.
Waxaa ay shegeen in falalka noocan oo kale ay u dhici jireen sababa la xiriira shaqo la’aan soo food saartay bulshada badankeeda balse hadda ay dhiseen qorshe looga hortagaayo dhacdooyinkaas oo kale.
Dadka deggan Kabwarenga ayaa bulsho ahaan lacaga ay isku darsadeen xoolo ku soo iibsadaa si ay u maareyaan baahiyahooda maalinlaha ah.
Waxaa ay dowladda ka codsadeen maadama ay yaraatay dhacii xoolaha iyo dilkii inay gacan ku sii so sidii ay iskaga difaaci lahaayeen dhuurjogta habeenkii xoolahooda u soo dhacda.