Dowladda Kenya ayaa deeq lacageed oo dhan 1.8 bilyan oo shilin ka heshay Shiinaha.
Waxaa heshiiskan saaka wada saxiixay wasiirka maaliyadda ee dalka John Mbadi iyo safiiradda shiinaha ee Kenya Ambasadoor Guo Haiyan.
Mbadi ayaa sheegay in lacagtan lagu ballaarin doono isbitaallada muhiimka ah guud ahaan waddanka si loo xoojiyo kaabayaasha daryeelka caafimaad iyo bixinta adeegyada.
Isbitaallada deeqdan lacageed ka faa’iidi doono waxaa ka mid ah Londiani Referral Hospital, Baringo County Referral Hospital, Kilifi Hospital, Misikhu Hospital, Bildad Kagia Hospital .
Waxaa sidoo kale lagu dayac tiraya machadka tababarka beeraleyda ee Kaimosi .
Wasiirka maaliyadda ee dalka John Mbadi ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Kenya .
Wuxuu tilmaamay in tani ay muujinaysa iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dowladood.