Waxaa wali shaqo joojin ku jira kalkaaliyaasha isbitaalka Moi ee magaalada Eldoret, iyagoo shalay dibadbax ka dhigayay waddooyinka magaaladaas.
Kalkaaliyaashan waxaa ay ka cabanayaan qalab la’aan ka jirta isbitaalka,waxaa ayna sido kale dalbnayaan mushaaraadkooda.
Bukaanada caafimaadka u baahan magaalada Eldoret ayaa sheegay in tani ay saameyn adag ku yeelatay.
Xaaladdan mid la mid ah waxaa ay ka jirtaa dowlad deegaanka Kajiado.