Ciidamada Ruushka ayaa dib u qabsaday gobolka Kursk ee waddankaasi oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo habeenimadii Talaadada uu Maraykanka sheegay inuu dib u soo celiyay gargaarkii militari ee Ukraine iyo la wadaagidda xogaha sirdoonka.
Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii ay dowladda Ukraine aqbashay qorsho la xiriira heshiis xabbad joojin oo 9 saacadood iyo bar looga wada hadlayay magaalada Riyaadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in saraakiisha militariga ee Ruushka ay 32 mar weerareen gobolka Kursk