Maxkamadda oo diiday in ay laasho dacwad ay gudbisay LSK oo ka dhan ah booliiska

0
247

Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday iskuday ku aadanaa in meesha laga saaro dacwad uu gudbiyay ururka qareennada waddanka ee (LSK).
Waxay dacwaddan ku saabsan tahay in ciidamada booliiska ay xilligii dibadbaxyada ee sanadkii 2024-kii ay ku kaceen habdhaqan xumo.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysan doonto oo ay go’aan ka soo saareysa kiiskan.
Booliiska ayaa ku doodayay in ururka LSK uunan adeegsan dhammaan siyaabaha xallinta khilaafaadka ka hor inta uunan dacwadda u gudbin maxkamadda.
Hasa ahaate , garsoore Lawrence Mugambi ayaa taasi gaashaanka u daruuray.