Ciidamada Booliska ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in weerar loo adeegsaday Mindi uu ka dhacay Magaalada Haifa .
Nin 70 sano jir ah, oo ku dhaawacmay weerarka tooreyda ah, ayaa dhintay, sida ay sheegtay adeegga ambalaasta qaranka ee Israa’iil.
Dhakhaatiirta ayaa daweynaya afar qof oo kale oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan saddex qof oo xaaladoodu ay halis tahay.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in hal qof oo looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa weerarka ka dhacay Haifa la dilay, haddana ay raadinayaan dad kale oo gacan ka gaystay weerarkaasi.