Kurdiyiinta oo aqbalay xabbad joojin ay la galaan Turkiga

0
605

Xisbiga shaqaalaha ee kooxda la mamnuucay kurdiyiinta ee (PKK) ayaa shaaca ka qaaday in ay dhaqan galin doonaan xabad joojin ay la galaan dowladda Turkiga.
Waxaa ayna sheegeen in ay fulinayaan baaqa ka soo yeeray hogaamiyahooda la xiray ee Abdullah Ocalan.
Tan hadii ay dhaqangasho waxaa la filaya in hubka laga dhigo PKK.
Arrintani ayaa loo arkaa tallaabo wayn oo lagu soo afjarayo colaadda 40-ka sano ah ee kala dhaxaysay dawladda Turkiga iyo kurdiyiinta.