Maxkmada sare ee dalka oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Kenya Power

0
453

Maxkamadda sare ee dalka ayaa cadeysay in loo soo gudbiyay kiis degdeg ah oo uu muwaadin Kenyaan ah kaga codsaday in shirkada bixisa adeegyada Korontada ee Kenya laga hor istaago in ay jarto adeegyada korontada ee xarumaha muhiimka ah ee ay ka shaqeeyaan dowladaha ismaamulada Nairobi iyo Mombasa, iyo sidoo kale 45-ka dowlad deegaan ee kale.
Ninka dacwadda gudbiyay oo lagu magacaabo Charles Rubia, ayaa sidoo kale doonaya amar ka mamnuucaya Kenya Power in ay ka jarto korontada goobaha isbitaallada, xarumaha biyaha, iyo nalalka waddooyinka.
Wuxuu ku andacoonaya in haddii maxkamaddu aysan soo faragelin, ficillada shirkadda Kenya Power ay carqaladeyn doonaan bixinta adeeggyada, khatar gelin doonaan caafimaadka iyo badbaadada bulshada, ayna abuuri doonaan qalalaase dastuuri ah oo ku saabsan maaraynta adeegyada qaranka ee nidaamka awood qaybsiga.