Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Suudaan

0
1103

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 19 qof ay dhinteen ka dib shil diyaaradeed oo laga soo tabiyay waddanka Suudaan.
Waxaa xalay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada militariga ee Suudaan.
Diyaaradda ayaa ku soo dhacday duleedka caasimadda Khartoum meel u dhow saldhigga ciidamada hawada ee Wadi Seidna oo ku yaalla magaalada sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Omdurman.
Waxaa durbaba goobta gaaray saraakiisha samatabixinta oo dadka dhaawacmay oo ay ka mid yihiin carruur geeyay isbitaalka si loo daaweeyo.
Ilo wareed ka tirsan militariga Suudaan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in shilkaasi loo aaneynaya cillad farsamo.