Wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Japan ku matalo dalka Ambasadoor Hiroshi Matsuura.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga Kenya iyo Japan ee dhanka wax ka qabashada isbeddelka cimillada, kaymaha iyo maareynta nadaafad darrada.
Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Japan ay ka codsadeen taageero farsamo oo la xiriirta qalabka badbaadada ee dabka iyo qorshaha ay Kenya ku abuuraysa 15 bilyan oo geedo ah.
Sidoo kale , waxay ka wada hadleen wada xaajoodyada heshiiska la xiriira wax ka qabashada isticmaalka caagagga oo uu qorshuhu yahay in bisha 8-aad ee sanadkan ay ka qabsoomaan dalka Switzerland, halka uu maraya qorshaha dhir beeridda ee Kenya iyo marti gelinta kulanka labaad ee cimillada Afrika bisha 9-aad ee sanadkan.
Ducaale ayaa xusay in Japan ay tahay saaxiib wanaagsan iyadoo loo maraya wakaaladda iskaashiga caalamiga ee Japan ee (JICA), taageeridda joogta ah ee keymaha, cilmi baarista iyo u adkeysiga cimillada ee deegaannada oomanaha ee ASALs.
Waxaa wasiirka kulanka uu la qaatay danjiraha Japan ee Kenya Hiroshi Matsuura ku wehelinayay xoghayaha deegaanka Festus Ng’eno , dhiggiisa kaymaha Mr. Gitonga Mugambi iyo agaasimaha guud ee maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA Mamo Mamo.