Canug yar oo xalay lagu riday musqul ku taala Mandera

0
138

Saacado badan ka dib waxaa lagu guulaystay in suuli laga soo saaro canug yar oo shalay la dhalay ka dib markii ay haweeneydii dhashay musqul ku riday.
Kooxaha u qaabilsan dab damiska Mandera ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo saarey canugaasi saqiirka ahaa.
Waxaa canuga la geeyay isbitaalka guud ee Mandera si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku dambayso haweeneydii dhashay Canugaas yar.
Dadka deegaanka ayay dhacdadan ku noqotay mid arggagax leh.